4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Madaxweynaha Puntland oo dalka Jabuuti u dhoofay (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Safarka madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Garoonka waxaa Madaxweynaha ku saagootiyey mas'uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo weliba xildhibaanno.

C/weli Gaas oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa ka warbixyey ujeedada socdaalka ay isaga wafdiga uu horkacayaa dalka Jabuuti ku aadeen, wuxuuna sheegay in safarkoodu uu muddo saddex maalmood ah qaadan doono.

Waxyaabaha uu madaxda dalkaas kala soo hadli doono mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay, inay ugu mihiimsan tahay xoojinta xiriirka labada dhinac [Puntland iyo Jabuuti], maadaama sida uu tilmaamay Jabuuti uu yahay dal Soomaaliya walaal la ah, ciidamana ay ka joogaan.

Waa booqashadii labaad ee Madaxweynaha Puntland uu dalka dibaddiisa ugu baxo tan iyo markii la doortay bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, booqashadii tan ka horreysey oo muddo toddodbaad ah qaadatay wuxuu ku tegey dalka Itoobiya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya