4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Madaxweyne Xasan oo la kulmay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobollada (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobollada dalka.

Kulanka oo arrimo dhowr ah oo ammaanku uu ugu muhiimsanaa looga hadlay, waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, waxaana kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullahi Godax Barre.

Guddoomiyeyaasha uu Madaxweynuhu la shiray ayaa kala ahaa: Guddoomiyaha Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo), Guddoomiyaha Bay Cabdi Aadan Hoosow, Guddoomiyaha Sh. Dhexe Cadi Jiinow Calasow, Guddoomiyaha Banadir Xasan Maxamed Xuseen Mungab, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdulqadir Maxamed Nuur (Siidii).
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, si gaar ah wuxuu faah faahin uga bixiyey hawlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobollada qaar, isagoo sheegay in howgallada ammaanka lagu xaqiijinayo lasii wadi doono.

"Waxaa socda Holwgal kooxaha nabad-diidka ah looga saarayo goobaha ay joogaan, si dadka deegaanka loo siiyo fursad loogu adeego oo ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana maamulada gobolada looga baahanyahay inay la yimaadaan maamul wanaag, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor ah" Madaxweynaha ayaa yiri.

Mar uu ka hadlayey qorshaha dowladda ee mustaqbalka dhow ee ku wajahan hirgelinta nidaamka federaalka iyo dimuqraadiyeynta wuxuu yiri: "Qorsheyaasha dowladda ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhaqangeliyo nidaamka Federaalka iyo in dalka laga hirgaliyo nidaamka dimoqraadiyada oo dadka deegaanka ay aayahooda ka tashadaan. Si taas loo gaaro waa in maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay noqdaan kuwo u adeega bulshada, la yimaada maamul wanaag.”

Kulankan ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyey ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Gedo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya