4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Guddoomiyaha G/Gedo oo ka Warbixiyay Xaaladda Buur-dhuubo
Isniin, March 10, 2014(HOL) :- Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa ka wabixiyay xaaladda magaalada Buurdhuubo oo ay shalay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab, iyo weliba howgallada ka soconayo gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil oo wareysi gaar ah siiyay Shabakadda HOL ayaa sheegay in xaaladda degmada Buurdhuubo ay imika tahay mid degan islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamadooda oo kaashanaya kuwa AMISOM.

“Magaalada Buurdhuubo xaaladeedu way degantahay, dadkii ka barakacayna waxay bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan, waxaana soconayo howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku wajahanyihiin degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ah degmada keliya ee ay Al-shabaab ka maamusho gobolka Gedo.

Mr. Kaliiil ayaa hadalkiisii raaciyay “Sidaad la socotaan kooxaha nabad diidka waxay hada ku harsanyihiin degmada Baardheere, dhawaanna haduu rabi qadaro waan gaari doonnaa, marka howlgalladi si wanaagsan ayay uga socdaan gobolka.”

Hadalkan kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay shalay si buuxda ula wareegeen degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo kadib dagaallo culus oo duleedka degmadaasi ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada isgarabsanaya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya