4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Taliska AMISOM oo ka warbixiyay howlgallada ka socda dalka
Isniin, March 10, 2014(HOL) :- Taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka warbixiyay howgalla ay ciidamadooda ka wadaan qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya kuwaasoo looga soo horjeedo xoogagga Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallada ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya ay sii socon doonaan ilaa buu yiri dalka laga xoreeyno xoogagga Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo dalka oo dhan ah, wuxuuna xusay in qeybo ka mid ah howlgalladaasi ay soo gabagabeeyeen, wuxuuna xusay in qeybaha harsan ay bilaaban doonaan.

Masuulkan ayaa sheegay in howlgallada qeybta afaraad ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ay bilaaban doonaan isagoo sheegay in amarkaasi ay siiyeen saraakiisha hogaamineysa qeybtaasi.
Col.Xumad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay gacanta ugu badan ka helayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu xusay in ay heystaan tababarro ku filan.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa ay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ka wadeen howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaasoo ay kula wareegeen degmooyin dhowr ah oo hore u maamuli jirtay xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.