4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Xubno Al-shabaab ka tirsan oo Maanta lasoo Bandhigay (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Hay'adda Nabadsugidda Qaranka ayaa maanta soo bandhigay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in lagu soo qabqabtay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir qaar ka mid ah.

Xubanhan lasoo bandhigay oo dhammaantood rag ahaa ayay tiradoodu ahayd lix qof, waxaana saraakiisha nabadsugiddu ay sheegeen in lasoo qabtay iyagoo ku guda jiray falal lagu carqaladeynayo ammaanka Muqdisho.

Mid ka mid ah ragga lasoo qabtay ayaa xirnaa jalbaab iyo indha shareer si uu isugu qariyo, una fuliyo falal amniga liddi ku ah sida ay sheegeen saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Sidoo kale, saraakiisha sirdoonka ayaa sheegay howlgal ay ka sameeyeen degmada Waabari inay kusoo qabteen ninkan xirnaa dharka dumarka, ayna isku xirnaayeen afar ruux oo kale oo qaarkood la tilmaamay inay ahaayeen saraakiil hoose oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana fulin jiray dilalka qorsheysan iyo weerarada inta badan ka dhaca Muqdisho.

Raggan lasoo bandhigay lama aysan hadlin warbaahinta, waxayna intooda badan ahaayeen dhallinyaro xirnaa macawisyo, iyadoo tani ay imaanayso xilli Muqdisho ay dhawaanahan ka dhacayeen qaraxyo iyo weerarro ay Al-shabaab geysanayso.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya