4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Murashaxiin u tartamaya Madaxweynenimo oo Baydhabo ka Hadlay

Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Maanta ayaa waxaa Baydhabo lagu soo gaba-gabeeyay dhageysiga khudbooyin ay jeedinayeen musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimada maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobal ka kooban.

Musharraxiinta waxay kala yihiin; Inj. Xasan Maxamed Abuukar, Madoobe Nuunoow Maxamed, C/fataax Geeseey, C/llaahi Mad Idiris (Leesto), Maxamed Aadan (Far-geeti), Inj. Saalax Sheekh Cusmaan iyo Maxamuud Sayid Aadan.

Xubnahan ayaa wuxuu mid walba kaga hadlay taariikh nolaleedkiisa iyo wuxuu ka qaban doono gobollada maamulka sameysanaya haddii uu xilkaan uu ku guuleysto; iyadoo labo musharrax oo hore u soo gudbiyay codsigooda ay is-casileen maanta kuwaasoo kala ah: Dr. Maxamed Cali Xaamud iyo Dr. Idiris Cabdi Axmed Dhakhtar.

Maalinta Isniinta ah ayaa waxaa la filayaa in la doorto madaxweynaha hoggaamin doono maamulka Koonfur-galbeed iyo ku xigeennadiisa koowaad iyo labaad, iyadoo markaas kaddibna uu maamulkan noqon doono maamul si rasmi ah u shaqeeya.

Xarunta ADC-da Baydhabo oo uu shirka maamul u sameynta lixda gobol ka socdo ayaa waxaa maanta gaaray wasiirro ka socda dowladda Somalia, safiirro iyo madax ka socata AMISOM, wasiirradan ayaa waxaa hoggaaminayay Saalim Caliyow Ibrow iyo Aadan Saransoor, iyagoo u yimid inay joojiyaan shirarka is dhinac socda.

Wafdigan wasiirrada iyo xubnaha kale isugu jira ayaa waxay kaloo booqdeen hoteel Bakiin oo uu ka socdo shir lagu sameynayo maamul ka kooban saddex gobo, iyagoo la shiray xubnaha shirkaas hor-boodaya.

Sidoo kale, wafdfiga waxay la kulmeen mas’uuliyiinta gobalka, iyagoo hadda leh shir looga hadlayo arrimaha shirarkaas; iyadoo ay ka qayb-galayaaan saraakiil ka socda ciidamada AMISOM iyo guddiga nabad-galyada gobalka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo