4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Cali Waran-cadde oo ka hadlay dilkii Taliyihii Degmada Xaaji Saalax

Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo toddobaadkii u dambeeyey ku sugnaa gobolka Togdheer, ayaa maanta magaaladda Burco shir kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka uu ka soo jeeddo taliyihii dablaydu ku dileen degmadda Xaaji Saalax ee degmadda Oodweyne ee gobolka Togdheer.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalind Cali Maxamed Warancadde, ayaa beesha ay ka soo jeedaan ragii dablayda ahaa ee Taliyaha dilay ku booriyey inay soo qabtaan dablaydaasi,isla markaana beeshii ninka laga dilay usoo jeediyey inay is dajiyaan.

"Waxaan Hada ka soo Baxnay Shir Baladhan Oo Aanu la Qaadanay Beeshii Uu ka soo Jeeday Alle How Naxaristii Marxuumkii la Dilay, Runtii Waanu Wada Hadalnay Waxaananu Hore usoo Marnay Deegaankii ay Shaqadadu ka Dhacday,Dowladda Waxa ka Go-an inay Gacanta ku soo Dhigto Cid Ale iyo Cidii Gaysatay Dilkaasi Foosha Xun,Si Looga Caago in Layska Dilo Qof islaam ah”ayuu yidhi wasiir Warancadde oo ka hadlayey dilkii ka dhacay deegaanka Xaaji Saalax ee degmadda Oodweyne ee gobolka Togdheer.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan u Sheegayaa inay Noqon-Doonto Sidii ilaahay Yidhi,Waxa ka Baqataan Masiibo Aan Samaynin Qofkii Sameeyay Oo Kaliya, Haddii Aad Qarisaan Cidii Samaysay Masibadaas Waxay Noqon Doontaa Mid Cidii Kasta Ee Gacan Siisa Caam ku Noqota Oo Dhibteeda Yeelata,Waxay Noqon Doontaa inaan la Dhaafin Sheekh,Shariif,Baayac Mushtari,iyo Cid Kastaba Cidii u Shurakowday inay Masibadaasi Dhacdo,Waxaanu ku Balanay Dadkii Laga Dilay Taliyihii Saldhiga inaanay Wax Danbe Aanay Dhicin Lagana Daba Tagin Wixii Hore Ee Dhacay,Waxaanan Wali ku Daba Jirnaa in Aanu Gacanta ku Soo Dhigno Dablaydii Gaysatay Dilkaasi Cadaaladana Horkeeno" .

Wasiir Warancadde oo dhawrkii maalmood ku sugnaa gobolka Togdheer ayaa kulan uu arrintaasi kaga arrinsanayaan la yeeshay Badhasaabka Gobobolka Togdheer, Oodweyne, maayirka Burco iyoTaliyaha Qaybta Police iyo Masuuliyin Kale.

Ilaa hadda lama soo qaban dablaydii ninka taliyah ku dishay deegaanka Xaaji Saalax, kaas oo loo dilay aano qabiil.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland