4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Asluuubta oo Beledweyne gaaray


Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Saraakiil ka socta taliska ciidaka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta kulammo kala duwan waxay kula yeesheen Beledweyne mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska ciidamada asluubta gobolka.

Xubnaha wafdiga maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa ka koobnaa madaxa hogaanka ciidamada Asluubta, Col. Daahir Cabdulle Raage, madaxa hoggaanka maaliyada G/dhexe C/rashiid Cismaan Colow iyo taliye ku-xigeenka xabsiga dhexe Xamar Gaashaanle Isbraahim Max'ed Cismaan, iyadoo kormeer ku tagay xarumaha ciidamada iyo xabsiga magaalada Beledweyne.

Kormeerkooda kadib ayeey saraakiisha kulan waqti dheer qaatay kula yeesheen xarunta maamulka mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada, iyaga oo ka wada hadllay sidii loo dayeeyn lahaa ciidamada asluubta ee ka howlgala magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaa laga sheegay in muhiimada ay leedahay in sare qaado tayada ciidamada asluubta, madaama la fillayo in sidoo kale ciidamada asluubta ka howlgalaan degmooyinka hadda ka maqan gacanta dowladda, laakiin saraakiishu sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan looga xoreyn doono xarrakada Al-shabaab.

Waxaa ay sidoo kale saraakiishu ballan-qaadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono mishaaraadkii ciidamada asluubta oo hadda si toos ah ugu howlgala magaalada Beledweyne.

Madaxa hoggaanka ciidamada, Col. Daahir Cabdulle Raagge oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay kulamada ay la qaateen mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada, sidoo kalana siweyn ula dhaceen isaga iyo wafdigiisa sida ay u dhisan yihiin ciidamada asluubta ku sugan magaalada Beledweyne.

Saraakiishan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee ka socda taliska guud ee ciidamada asluubta Soomaaliyeed oo soo gaara magaalada Beledweyne.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya