4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Xisbul Islaam oo dhaleeceeyay Al-shabaab Baaqna u diray Dowladda


Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Xoghayaha arrimaha dibadda ee ururkii xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macalim Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si kulul u eedeeyay Al-shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ka dalbady inay sii dayso Sh. Xasan Daahir Aweys oo ahaa hoggaamiyihii ururkaas, kuna xiran magaalada Muqdisho.

Sheekh Maxamed Macallin ayaa ku billaabay shirkiisa jaraa’id dhaleeceyn uu u jeediyay hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) oo uu sheegay inuu bixiyo amarro lagu laynayo dad shacab ah ee Soomaaliyeed.

“Hoggaamiyaha Al-shabaab waxaa intaas u dheer inuu laayo dadka waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed, sida culummada, aqoonyahannada iyo dhakhaatiirta,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Sheekh Maxamed Macallin.

Sidoo kale, xoghayuhu wuxuu ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay ka sii deyso xarigga ay ku hayso muddada sannadka ku dhow Sheekh Xasan Daahir Aweys oo lagu xiray Muqdisho bartamihii sannadkii hore, kaddib markii uu kasoo goostay Al-shabaab.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee ururkii Xisbul Islaam ayaa sheegay in ururkooda ay ka go’an tahay inuu xaaladda dalka kala hadlo cid walba oo mudan in lala fariisto gudaha iyo dibadda meeshii ay doonto haku sugnaatee.

Uruka Xisbul Islaam ayaa si rasmi ah ugu biiray Al-shabaab sannadkii 2010-kii taas oo keentay in gabi ahaan ururkaas uu burburo, inkastoo mas’uuliyiin diiday in laga mid noqdo Al-shabaab ay tan iyo xilligaas dadaal ugu jireen soo noleynta ururkaas.

Sheekh Maxamed Macallin ayaa ugu dambeyn warbaahinta u akhriyay qodobbo ay uu soo saaray ururkooda, kuwaasoo ahaa lix qodob, waxayna u qornaayeen sidan hoos ku qoran:

  1. Ururka Xisbul Islaam wuxuu qaatay wada-xaajood siyaasadeed.
  2. Waxaan caddeynayaa inaan kasoo horjeedo mowqifka guracan ee hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
  3. Haddii aanu nahay Xisbul Islaam waxaan kasoo horjeednaa joogitaanka ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
  4. Xisbul Islaam wuxuu diyaar u yahay wada-xaajood kasta oo dalka horumar lagu gaarsiinayo.
  5. Ururka Xisbul Islaam wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in laga wada-shaqeeyo midnimada iyo ka hortagga in dalka lala wareego.
  6. Ururku wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqayaa inay xabsiga kasii dayso Sh. Xasan Daahir Aweys.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya