4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Ahlusunna oo si adag u eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga talada ee maamulka Ahlu-sunna Waljamaaca, Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan ayaa isagoo Muqdisho ku sugan ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inaysan fulin heshiisyadii ay labadooda dhinac horay u gaaree.

Sheekh Cumar ayaa sheegay in dowladda Somalia ay ka cago-jiidayso inay fuliso heshiisyadii ay horay u wada galeen maamulkooda iyo dowladda, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid laga xumaado oo aan la qaadan karin.

“Heshiisyadu waxay dhigayeen in dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-shabaab, waxaana lagu heshiiyay inay gacan weyn ka geysato dowladda sidii Al-shabaab gobollada dhexe looga bixin lahaa, balse taasi waa mid u muuqata inayy dowladdu xagal-daacinayso,” ayuu yiri Sheekh Cumar C/qaadir.

Sidoo kale, guddoomiaha guddiga talada ee Ahluusnna wuxuu sheegay in dhawaan ay filayaan inay ku laabtaan goballada dhexe ee Soomaaliya ay mowqif ka qaadan doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wafdiga Ahlusunna ee Muqdisho ku sugan ayaa waxay u yimaadeen sida uu horay u sheegay inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay doonayeen inay kala hadlaan fulinta heshiisyadii horay u dhexmaray iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo gacan-saar la leh dowladda Soomaaliya ayaa ka taliya deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ururkan uu dhowr jeer oo hore sheegay inuu xiriirka u jarayo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu weli ka hadlin warka kasoo baxay Ahlusunna Wal-jamaaca ee ku aaddan inay dowladdu ku guul-darreysato fulinta heshiisyadii horay ay u wada-galeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya