4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Gargaar loogu talogalay dad ku dhibaateysan Jannaale oo la boobay

Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Gargaar u socday dad ku dhibaateysan deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa xalay lagu boobay gudaha degmadaas iyadoo la sheegay inay boobeen rag ku labisanaa direyska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka la boobay ee raashinka waday ay ahaayeen laba baabuur oo siday gargaar ay hay’adda WFP ugu talo-gashay dadka degmadaas ku nool, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha deegaankaas Jannaale.

"Deegaanka Jannaale waxaa xalay lagu boobay laba gaadiid oo gargaar u waday shacabka ku dhibaateysan deegaanka, gaadiidkaas  waxay ahaayeen kuwo is-jiid ah, kaasoo ay ku deeqday hay’adda WFP waxaana boobay rag ku labisan ciidanka dowladda Soomaaliya," ayuu yiri gudoomiyaha Jannaale Maxamed Idiris.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay nasiib-darro tahay in raashin dad masaakiin ah loogu talo-galay la boobo, waxaana uu xusay inay ku wargelinayaan arrintan dowladda dhexe si ay deg-deg wax uga qabato.

"Halkan wax nidaam ah oo ka jiro ma jirto, ciidamadii dowladda ayaa boobay raashin gar-gaar ah oo loogu talogalay shacabka deegaankan ku dhibaateysan, waxaan ku wargelinaynaa dowladda," ayuu Idiris ku sheegay hadalkiisa.

Ma ahan markii ugu horreysay ee la leexsado raashin gar-gaarka ah ee loo waday dadka Jannaale ku nool, iyadoo horay loo boobay gargaar ku socday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya