4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
SH. CALI DHEERE: Waxaan naga go’an inaan la dirirno Maamul goboleedyada

Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay inay dagaal la geli doonto cid walba oo ku howlan dhismaha maamul goboleedyada dalka, iyadoo ay dhawaan xukuumaddu heshiis dhexdhigtay maamullo ku muran sanaa xukunka gobollo ku yaalla Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka hortagga wax walba oo sababi kara inay shacabka Soomaaliyeed iska horyimaadaan oo ay qabiil-qabiil u dagaalamaan.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku nuux-nuuxsaday in sameynta maamul goboleedyada ay ka dambeeyaan reer Galbeedka oo uu sheegay inay uga gol-leeyihiin inay kala googooyaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhulkooda.

“Maanta dalkii oo dhan waa la goo-gooyay tuulo-tuulo ayaa loo kala jaray, Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa la leeyahay loogama taliyo Xamar ciddii diiddana waxaan ula dagaalamaynaa sida Al-shabaab oo kale, taas waxaan yeeli karno ma ahan; waan la dagaalamaynaa dhammaan waxa loogu yeero maamullada gobollada ka jira,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Hadalka Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku dhisayso maamullada gobollada dalka, taasoo ay ku sheegtay inay qayb ka tahay qorshaha dowladdu ay ku doonayso inay dalka kaga hirgeliso federaalka.

Tani waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay sheegto inay la dagalaamayso cid walba oo ku howlan dhismaha maamul goboleedyada, iyadoo dadka Soomaaliyeed qaarkood ay ku tilmaameen federaalka inuu yahay mid iska horkeenaya shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya