Haween lagu dilay duleedka Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in shan haween ah lagu dilay duleedka Marko, kuwaasoo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dilalkan ayaa ahaa kuwo kala dhacay saakay duhurnimadii maanta ayaa waxaa la sheegayaa inay geysteen kooxo malleeshiyo ah, iyadoo goobjooge ku sugan degmada Marko ay sheegeen in laba haween ah la dilay saaka, halka saddexda kalena la dilay duhurnimadii maanta.

Inkastoo aan la ogeyn kooxaha dilalka geystay ayaa haddana goobjoogayaal ku sugan Marko waxay sheegeen in dilalkan ay yihiin kuwo aanooyin ah oo ay kala geysteen dhinacyadii horay ugu dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Sababta loo dilay haweenkan ayaa lagu sheegay inay cabitaanno u geeyaan mid ka mid ah kooxihii ku dagaalamay gobolkaas oo ku sugan duleedka Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha degmada Marko, Maxamed Cismaan Yariisow oo mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho la hadlay ayaa sheegay ayaa sheegay in tirade haweenka ah ee la dilay ay yihiin afar loona dilay arrimo siyaasadeed.

Xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee Marko iyo deegaanno ka tirsan gobolkaas ayaa waxaa ku dagaalamay malleeshiyooyin dagaalkoodu kasoo billowday dhul la isku haysto, inkastoo dagaalka uu yeeshay waji kale.

Dilalkan ayaa waxay imaanayaan xilli xubno ka tirsan dowladda oo ay wasiirro ku jiraan ay ku sugan yihiin gobolkaas, si ay xal uga gaaraan xiisadaha labadan dhinac u dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya