
Arbaco, June 11, 2014 (HOL) — Xaaska madaxweynaha maamulka Puntland, Dr. Hodan Siciid Ciise ayaa lagu guddoonsiiyay abaal-marin sare magaalada Buffalo ee gobolka New York ee dalka Mareykanka.
Abaal-marintan ayaa waxaa bixisay MUSLIM PUBLIC AFFAIRS COUNCIL WESTERN NEW YORK, iyadoo abaal-marintana uu bixiyay madaxwaynaha ururkan, iyadoo ku saabsanayd wax-qabadka Dr. Hodan ee la xiriirka dhinaca bulshada.
Munaasabadda lagu bixinayay abaal-marintan ayaa waxaa isugu yimid dad badan oo ka socda jaaliyadaha kala degan gobollada dalka Mareykanka, waxaana sidoo kale ka qaybgalay guddoomiyaha magaalada Buffalo, Bayron Brown iyo xeer ilaaliyaha Mareykanka, Willima Hochul iyo xaaskiisa Kathy Hochul oo xildhibaanad ah iyo Brian Higgins isna xildhibaan ah.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya