4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya oo Kismaayo gaaray
Arbaco, July 09, 2014 (HOL) :-Wafdi uu horkacayo wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa maanta gelinkii danbe sooo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo ay si diiran usoo dhaweeyeen madax ka tirsan maamulka Jubba.

Wasiirka iyo wafdigiisa oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa markii uu kasoo dagay garoonka kadib waxaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Jubba.

Wasiirka iyo xubnaha kale ee ku wehlinaya safarkiisa ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda maamulka Jubba, waxaana wafdiga wasiirka ay caawa ku hoyanayaan magaalada Kismaayo.

Wasiirka kama hadlin ujeedada imaatinkiisa, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo faahfaahin ka bixiyay imaatinka wafdigan ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin xubno ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya.

...........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.