4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Wasiirkii ee hore ee Warfaafinta Puntland oo galabta Garoowe lagu aasay

Arbaco, July 09, 2014 (HOL) —Magaalada Garoowe waxaa galabta aas qaran loogu sameeyey AHN Abwaan Axmed Sheekh Jaamac oo ah wasiirkii hore ee Wasaaradda War-faafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland.

Aaska waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Puntland oo Madaxweyne C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Mudane C/xakiim Camey ay kamid ahaayeen.

Waxaa sidoo kale aaska kasoo qayb galay mas'uuliyiin badan oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Maamulka Puntland, isimmo, saraakiil ciidan, ehelada marxuumka iyo tobannaan kamid ah dadweynaha magaalada Garoowe.


TAARIIKH NOLOLEEDKA AXMED SHEEKH JAAMAC OO KOOBAN

Magaca:  Axmed Shiikh Jaamac Yuusuf
Sanadkii Dhalashadda:  1942-dii
Meesha Dhalasahad:  Laascaanood

Shaqooyinka
2005-2013        Maareeyaha Guud ee Akadeemiyadda Puntland ee Hiddaha iyo Dhaqanaka.
1996-2003       Diyaariye Buugaagta Dugsiyada Soomaliland (UNESCO-PEER Somalia)
1992-1996       Saxafi dalka Yemen.
1987-1989      Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ee Soomaaliya.
1973-1986      Hawl-wadeen iyo Madax ururraddii Bulshada iyo Xisbigii HKS.
1961-1973      Bare iyo Maamule Heerarka kala duwan ee Wasaaraddii Waxbarashada  Soomaaliyeed.
 
Heerka Aqoonta
1987-1990        Kulliyadii Saxaafadda Jaamacaddii Soomaaliya.
1980-1982       Digriiga 1-aad (Maamul) Mac-hadkii SIDAM, ee Soomaaliya.
1966-1968       Diploma- Macalinimo (Barnaamij UNESCO Hogaaminaysay).
1960-               Shahaadada Dugsiga dhexe (Sheekh Inter-Med-School).
 
Aqoonta Afafka Shisheeye
1)      English
2)      Arabic

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya