4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
DAAWO SAWIRRADA: Weerarkii xalay lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya


Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — Al-shabaab oo shantii sano ee lasoo dhaafay dagaal kula jirtay xukuumadihii dalka soo maray iyo ciidamada Midowga Afrika (AMSIOM) ayaa xalay weerarkii labaad inta lagu jiro sannadkan ku qaaday xarunta madaxatooyada Soomaaliya.

Weerarkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa wuxuu qaatay muddo saacado, iyadoo kooxaha hubeysan ay u suurogashay inay gudaha u galaan madaxtooyada, ayna kula dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Haddaba halkan hoose ka daawo sawirrada weerarkaas oo ay suurogal noqotay in saakay lasoo qaado, maadaama xalay la xiray agagaarka madaxtooyada gabi ahaan dhaqdhaqaaqyadana la hakiyay.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya