4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
RW Cabdiweli oo la Kulmay Guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee Xukuumadda


Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan deg-deg ah la yeeshay maanta gudiyada amniga iyo siyaasadda golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, iyadoo looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo go’aannadii uu qaatay ra’iisul wasaaruhu, kuwaasoo uu ku magacaabay wasiirka amniga Qaranka iyo taliyayaasha ciidamadda booliiska iyo nabad-sugidda.

Mudane Cabdiweli Sheekh oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu qaatay go’aan is-bedel loogu samaynayo laamaha ammaanka, kaddib markii uu arkay xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo dhibaatooyinka soo noq-noqday ee Al-shabaab ay ka geysanayso Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka, Ibrahim Isaaq Yarow oo kulanka markii uu soo dhammaaday la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in go’aanno adag oo wax looga qabanayo xaaladda ammaanka dalka uu qaatay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

“Dhacdadii xalay kaddib, ra’iisul wasaaraha ayaa isugu yeeray guddi hoosaadyada amniga iyo siyaasadda golaha wasiirrada, wuxuu warbixin ka siiyay tallaabooyinka deg-deg ah ee uu qaaday, gaar ahaan magacaabidda wasiirka Amniga Qaranka  oo loo magacaabay, Khaliif Axmed Ereg oo ah shaqsi aqoon dheer u leh amniga, sidoo kale waxaa la magacaabay taliyaha booliiska Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaciil sidoo kale nabadusigdda ayaa loo magacaabay agaasime KMG ah,” ayuu Ibraahim Yarow ku sheegay shirka jaraa’id. Iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu goor dhow si rasmi ah ugu magacaabay xilka agaasimaha nabadsugidda C/llaahi Sanbaloolshe.

Ibraahim Yarow ayaa intaas ku daray: “Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay in la dar-dar geliyo howlgallada Muqdisho oo intii muddo ah ay ciidamada amaanku ka wadeen howlgallo iyo weli talloobooyinka cusub oo xukuumaddu ay qaadatay si ay u adkeyso ammanka.”

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadday xalay xarunta madaxtooyadda, isagoo xusay inuu ahaa weerar ay ku dhammaadeen kooxihii soo qaaday, uuna ahaa mid lagu doonayay in ammaanka dalka qal-qal lagu geliyo. Wuxuuna sidoo kale xusay in dowladda uu kaga dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidamadda oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Caddow Axmed, waxaana goluhu tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday sarkaalkaas.

Dhanka kale, wasiir xigeenka ayaa sheegay xukuumadda Soomaaliya ay qaadatay go’aamo cad-cad oo amniga caasimadda lagu adkeynayo, isla markaana laamaha ammaanka lagula xisaabtamayo, isagoo intaas ku daray in baaritaan lagu samayn doono weerarkii xalay cid walba oo lagu helana sharciga lala tiigsan doono.

Ugu dambeyn, wasiirka cusub ee Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg iyo wasiir ku xigeenka wasaardda dhallinyarada iyo isboortiga, Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) ayaa la dhaariyay, waxaana goobjoog ka ahaa dhaarinta Prof. Jawaari iyo xubnaha ku xiga iyo xildhibaanno.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya