4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Yaaqshiid oo lagu dilay isla Degmadaas

Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa gellinkii dambe ee maanta ku dilay agagaarika Suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Yaaqshiid.

Dilka mas’uulkan oo aanu magaciisa helin ayaa waxaa geystay dabley bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo dilka kaddib goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa intaas ku daray in dilka kaddib ay halkaas soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo baaritaanno kooban ka sameeyay agagaarka halka uu dilku ka dhacay.

Maydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamada dowladda, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso falalka ammaan-darro oo Al-shabaab ay tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan ka geysanaysay Muqdisho.

Weli ma jiro hadal ku saabsan dilka mas’uulkan ka tirsan maamulka Yaaqshiid oo kasoo baxay maamulka degmadaas, iyadoo mas’uulkan uu ka mid noqonayo dhowr mas’uul oo maamullada degmooyinka Muqdisho ka tirsan oo Muqdisho lagu dilay.

Al-shabaab ayaa dhawaan ku gooddisay inay beegsan doonto mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo ciidamada, waxaana dilkan uu imaanayaa iyadoo xalay ay Al-shabaab weerartay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya