4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Al-shabaab oo xalay weerartay Baydhabo iyo Maamul sameystay Baarlamaan

Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa xalay weerar kusoo qaadday magaalada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo guud ahaan magaalada laga maqlayay rasaas xooggan.

Xoogagga Al-shabaab waxay weerarradooda la bartilmaameedsadeen dhowr saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa madaniga ah eek a howlgala magaalada, waxaana weerarka xooggiisu ka dhacay fariisin ay ku lahaayeen ciidamada madaniga ah iyo kuw milateriga Suuqa Xoolaha ee Baydhabo.

Weerarkan ayaa wuxuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay labada dhinac, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn tiradooda, iyadoo tani ay kusoo beegmayso toddobaadyo deggenaasho ah oo Baydhabo ay ku jirtay kaddib.

Sidoo kale, toddobaadyadan ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka socday baaritaan lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Baaritaan, iyadoo si guud loo baarayo gaadiidka, guryaha iyo dadka shacabka ah.

Dhanka kale, maamul-gobaleed Koonfur-galbeed Somalia ee lixda gobol ka kooban ayaa sameeyay gole baarlamaan , kuwaasoo ka kooban 82 xubnood, iyagoo dhaarintooda kaddib u doortay shir-guddoon KMG ah ruuxa ugu da’da weyn oo noqday, Jen. Cali Hasan Isaaq, halka ku xigeen loo doortay, Maxamed Xasan Cusmaan (Caan-jeex).

Xildhibaannadan ayaa waxay dooranayaan todabaadkan gudihiisa ruuxii noqon lahaa guddoomiyaha rasmiga ah ee baarlamaanka maamulkan iyo ku xigeennadiisa, iyadoo tani ay imaanayso xilli maamulkan uu horay u diiday heshiis lagu gaaray Muqdisho.

Hiiraan Online, Baydhabo