4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Dowladda Maraykanka oo ka hadashay weerarrkii Madaxtooyada lagu qaaday

Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — War qoraal ah o ka soo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu canbaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, kaasoo gaystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Tacsi ayaan u diraynaa ehalada dhibanayaashii ku waxyeeloobay qaraxii lala beegsaday madaxtooyada annaga oo si adag u dhaliilayna arintaas,” ayaa lagu yiri warkan oo ay saartay wasaaradda ariamaha dibadda Maraykanka.

Waxaa kaloo lagu sheegay in weerarkan uu cadayn u yahay sida amniga caasimadda uu wali u yahay mid jilicsan oo aan la isku halayn karin, isla markaana ay Al-shabaab dhib rasmi ah ku yihiin amniga dalka iyo dowladaha dariska ahba.

“Tani waa sababta aan u sii wadno taageerada aan siinayno ciidanka amniga Soomaaliya iyo waliba howl-galka AMISOM,” ayaa mar kale lagu sheegay warkan oo lagu ammaanay sida looga adkaaday kooxihii weerar kasoo qaaday.

“Maraykanka waxa uu u taaganyahay in uu garab-qabto dowladda Somalia iyo waliba shacbigeeda ,sida ay iyagaba diyaar ugu yihiin soo celinta xasiloonadii dalka “ayaa kamid ahayd qoraalkan oo dhinacyo badan ka hadlayay.

Wasiirka warfaafinta  Somaliya  Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo ka hadlay weerarkii madaxtooyada ayaa sheegay in kooxihii soo weeraray ay ahaayeen afar qof, saddex ka mid ahna la dilay, iyadoo gacanta lagu dhigay darawalki gaariga u waday sida uu wasiirka xusay.

Ugu danbayntii weerarkan oon ahayn kii ugu horeeyay oo lagu qaado madaxtooyada ayaa imaanaya ,iyadoo saraakiil ciidan oo dowladda ka tirsan siyaabo kala duwan loogu  beegsaday  Muqdisho asbuucyadii lasoo dhaafay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]