4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Kooxo Al-shabaab ka tirsan oo maanta nin Garyaqaan ahaa ku dilay Muqdisho

Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa ku dilay maanta degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir garyaqaan horay uga tirsanaa maxkamadaha dalka, iyagoo sidoo kale dhaawacay nin oday ah oo ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay.

Garyaqaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Cawil Xabbad, waxaana lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa xaafadda macmacaanka, iyadoo ay meesha ka baxsadeen kooxihii dilka geystay.

Mid ka mid ah dadkii goobjoogga u ahaa dilka ayaa warbaahinta u sheegay in dilka ay geysteen laba wiil oo dhallinyaro oo bastoolado ku hubeysan, waxaana ay dhaawacmeen buu yiri nin oday ah oo goobta ku sugnaa.

“Dableydu waxay garyaqaanka ugu galeen goob ganacsi oo uu lahaa waxaa la joogay laba wiil oo uu dhalay, balse isaga oo keliya ayaa la dilay, markii ay cararayeenna waxay xabbad kusii dhufteen nin oday ah oo albaabka halka uu dilku ka dhacay ku sugnaa,” ayuu yiri goobjoogaha oo magaciisa ka gaabsaday.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu intaas ku daray in garyaqaanka uu ahaa nin si weyn looga yaqaan xaafadda Macmacaanka, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay garyaqaan ku dileen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Wiilasha uu dhalay garyaqaanka ayaa markii uu dilku dhacay kaddib waxay lasoo baxeen qoryo, iyagoo eryaday raggii dilay aabbahood, laakiinse uma aysan suuro-gelin inay dilaan ama qabtaan.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley oo warbaahintu ay wax ka weydiisay  dilkan ayaa xaqiijiyay in la dilay garyaqaanka, isagoo xusay inay baaritaan wadaan sidii ay ku ogaan lahaayeen kooxaha dilka geystay halka ay galeen.

Dilkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa dilal qorsheysn oo Al-shabaab ay ka wadday degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii bishan Ramadaan ay billaabatay, waxaana kooxdu ay ku goodisay inay sii wadi doonto dilalka qorsheysn iyo qaraxyada ay la beegsanayso xarumaha dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya