4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Wasiirka Amniga Qaranka oo la magacaabay iyo Taliyeyaal xilka laga qaaday


Wasiirka cusub ee Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg


Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — Wareegto kasoo baxday saakay xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay xilka wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg oo horay looga qaaday xilka taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, kaddib markii uu xilkan iska casilay 24-kii bishii May ee sannadkan, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale xilalkii ka qaaday taliyihii booliiska Soomaaliya, Jen. Cabdixakiin Daahir Saacid, isagoo xilkaas u magacaabay, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil , sidoo kale waxaa xilka laga qaaday agaasimihii hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana si KMG ah loogu magacaabay xilkan, G/sare Maxamed Cabdullaahi Xaamud.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo warbaahinta u akhriyay wareegtada lagu magacaabay wasiirka Amniga Qarnka iyo taliyeyaasha la bedelay ayaa sheegay in tallaabadan ay timid kaddib markii ra’iisul wasaaruhu uu arkay xaaladda uu dalku marayo.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu amaray in taliyeyaasha ciidamada nabad-sugidda iyo booliiska gobolka Banaadir ay si toos ah u hoos-tagayaan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu farayaa wasiirka Amniga Qaranka inuu amarkaas fuliyo, isla markaana uu si dhaqso ah uga howlgalo wax ka qabashada xaaladda amniga dalka,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta oo akhrinayay wareegtada ka soo baxday maanta xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ra’iisul wasaaruhu uu sidoo kale farayo taliyeyaasha cusub ee hay’adda nabad-sugidda Qaranka iyo booliiska Soomaaliya inay si adag oo dhiifoon u fuliyaan howlaha loo igmaday.

Wasiirka warfaafinta ayaa raaciyay hadalkiisa in ra’iisul wasaare C/weli uu sheegay in xukuumaddu ay si joogto ah isha ugu hayn doonto xaaladaha guud ee ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu si gaar ah ugu mahad-celinayo taliyeyaashii xilalka laga qaaday oo howl adag soo qabtay intii ay xilalkan hayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya