4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Dowladda Soomaaliya oo ka War-bixisay Khasaarihii Weerarkii Madaxtooyada

Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa faah-faahin ka bixisay khasaarihii ka dhashay weerarkii xalay ay xoogagga Al-shabaab ku bartilmaameedsadeen dhismaha madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dowladdu ay sheegtay in la dilay dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa us sheegay AFP inay ciidamada dowladdu dileen sagaal ruux oo weerarka soo qaaday, balse kama uusan hadlin khasaaraha soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Kooxihii weerarka soo qaaday waxay ahaayeen sagaal ruux, gabi ahaanna waa la dilay, xaaladduna way wanaagsan tahay, weerarkiina waa lasoo gaba-gabeeyay,” ayuu yiri Cabdi Axmed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isagoo sii hadlayay sarkaalka ayuu yiri: “Weeraryahannadu waxay qaarkood ku dhinteen qaraxyo ay sameeyeen, kuwaasoo la rumeysan yahay inay is-miidaamin ahaayeeen, waxayna dileen naftooda.”

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo isaguna ka hadlay weerarkaas ayaa sheegay in kooxihii soo weeraray madaxtooyada ay ahaayeen afar qof, saddex ka mid ahna la dilay, darawalkii gaariga u waday oo dhaawac ahna ay gacanta ku hayaan.

“Xoogaggii weerarka soo qaaday waxay ahaayeen afar qof, saddex ka mid ah waa la toogtay mid kalena gacanta ayaa lagu hayaan, hay’adaha amniga ayaana su’aalo weydiin doona, markaas ayaana la ogaan doonaa ciddii soo abaabushay weerarkan,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dhankooda uu weerarkii xalay kaga dhintay hal askari mid kalena uu ku dhaawacmay, isagoo xusay inaysan jirin shacab wax ku noqday weerarkaas. Wuxuuna intaas ku daray in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay fashiliyeen weerarkaas.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada Al-shabaab oo isaguna la hadlay AFP ayaa sheegay in xoogaggoodu ay muddo saacado madaxtooyada gacanta ku hayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiin kalena markiiba loola cararay Xalane, balse madaxweynaha ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid been ah.

“Xoogageennu waxay weerareen madaxtooyada, muddo saacado ah ayayna gacanta ku hayeen, waxaana u suurogashay inay dileen 15-askari oo ciidanka dowladda ka tirsan,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo faahfaahin ka bixinayay weerarka ay madaxtooyada ku qaadeen, balse ma sheegin halka xoogaggii weeraray madaxtooyada ay ku dambeeyeen.

Weerarkan ayaa noqonay kii labaad oo Al-shabaab ay ku qaaddo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo weerarkii midkan ka horreeyay ee lagu qaaday madaxtooyada uu dhacay bishii Feberaayo ee sannadkan, kaasoo ay ku dhinteen 17-qof oo ay ku jiraan saraakiil dowladda ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya