4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2014
Ciidamada Dowladda oo baaritaan kawada xaafadaha ku dhow Madaxtooyada

Arbaco, July 09, 2014 (HOL) — Ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo ka billaabay xaafadaha ku dhow xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo sidoo kalena ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho qaarkood.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in ciidamadu ay baaritaanno xooggan ku sameynayaan guryaha iyagoo sidoo kale lasoo baxaya dhallinyarada ay ka shakiyaan.

Baaritaankan ayaa jawaab u ah weerarkii xalay madaxtooyada lagu qaaday kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab, iyadoo siyaabo kala duwan ay shacabka Soomaaliyeed uga hadleen weerarkaas.

Dadweynaha Muqdisho ayaa qaarkood ayaa ku tilmaamay weerarkaan inuu muujinayo awood yarida xukuumadda ee sugidda ammaanka Muqdisho oo keliya, halka ay sheegeen in Al-shabaab ay si xooggan u joogaan gudaha magaalada ayna awoodaan inay meel walba weeraraan.

Sidoo kale, waxaa saaka xiran waddooyinka soo gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo loo diidayo gaadiidka iyo dadka socotada ah, waxaana si weyn loogu arkayaan ciidamada dowladda inta u dhexeysa isgoyska sayidka iyo barxadda kasoo horjeedda guryihii Ex-fiyoore.

Xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa saakay deggen, inkastoo ay howlaha xukuumadda ay u muuqdaan kuwo hakad ku jira maanta, inkastoo uu xalay sheegay madaxweynaha Soomaaliya inay dowladdiisu sii jiri doonto aysanna burburin karin Al-shabaab, awooddaasna aysan lahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya