4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Jarmalka oo ku barbartay Brazil kaddib markii uu kaga badiyay 7-1 (SAWIRRO)


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Xulka dalka Jarmalka ayaa kaga adkaaday xulka Brazil 7-1, iyadoo tani ay noqonyso guul-darradii ay xulka Brazil la kulmaan muddo 39-sano ku dhow markaasoo loogana badiyay gurigooda, iyadoo xulka Jarmalka ay ceeb weyn dusha u saareen dalka Koobka Adduunka ee sannadkan marti-gelinaya.

Xulka waddanka Brazil ayaa waxaa ka maqnaa kabtankooda iyo daafacooda, Thiago Silva iyo xiddigooda Neymar, iyadoo xulka Jarmalka ay qaybtii hore dhoolla-tus kusoo ban-dhigeen garoonka magaalada Belo Horizonte.

Ciyaaryahan Thomas Muller ayaa goolkii ugu horreeyay u dhaliyay Jarmalka daqiiqaddii 11-aad ee ciyaarta qaybteedii hore, waxaana goolkaas uu ahaa goolkiisii shanaad oo ka dhaliyo Koobka Adduunka ee ka socda dalka Brazil.

Jarmalka ayaa waxaa u labeeyay daqiiqaddii 12-aad ciyaaryahan Miroslav Klose, kaasoo ahaa goolkiisii 16-aad ee uu ka dhaliyo taariikhdiisa koobka Adduunka, isagoo jabiyay rikoorkii uu hore u dhigay halyeeygii Brazil.

Laacibka Toni Kroos ayaa xulka dalka Jarmalka u dhaliyay daqiiqaddii 26-aad laba gool oo isku xiga, taasoo natiijada ciyaarta ka dhigtay 4-0, iyadoo xulka Jarmalka ay kordhiyeen weerarka ay ku hayaan goosha Brazil.

Waxaa xusid mudan in goolasha ay Kroos iyo Klose kala dhaliyeen inay u dhexeysay seddex daqiiqo oo keliya. Iyadoo markaas kaddib uu Jarmalka u dhaliyay goolkii shanaad ciyaaryahankooda Sami Khedira.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 5-0 uu hoggaanka ku hayay Jarmalka, iyadoo taageerayaasha Brazil ee garoonka joogay ay la ilmeeyeen guul-darrada ku dhacday xulka dalkooda.

Markii la isku soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay xulka Brazil lasoo baxeen ciyaar ka wanaagsan tii qaybtii hore ay ciyaarayeen, iyagoo afar jeer isku dayay inay goolal ka dhaliyaan Jarmalka, balse waxaa difaacay Neuer oo ah gool-hayaha xulka Jarmalka.

Inksto dadaalka Brazil uusan noqon miro-dhal ayaa haddana waxaa Andre Schurrle oo bedel kusoo galay uu xulka dalkiisa u dhaliyay daqiiqaddii 69-aad goolkii lixaad, isagoo daba-dhigay goolkiisii labaad oo ka ciyaarta ka dhigay 7-0.

Tani waxay ka dhigtay in xulka Jarmalka uu jabiyay rikoorka guuldaradii ugu weyneyd ee soo gaarta xulka Brazil, taasoo ahayd markii xulka Uruguay uu kaga badiyay xulka Brazil 6-0, kaddib markii ay ku kulmeen Copa America.

Xulka Brazil ayaa dhammaadkii ciyaarta waxaa goolka keliya ee ay heleen u dhaliyay ciyaayahankooda Oscar taasoo ciyaarta ka dhigtay 7-1.

Brazil ayaa waxay la ciyaari doontaa Argentine iyo Netherlands kooxdii looga adkaado ciyaarta ay habeen dambe dheelayaan, taasoo ah mid ay ugu tartami doonto kaalinta saddexaad.

Dhanka kale, xulka Jarmalka ayaa u soo gudbay ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka (Final) iyagoo la ciyaari doona kooxdii soo adkaata Argentina iyo Netherland oo habeen dambe ciyaar adag yeelanaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya