4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ee Madaxtooyada


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka hadlay weerarkii  Al-shabaab ay ku qaadday fiidkii caawa xarunta madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxtooyadu ay tahay ammaan, isaguna uu bad-qabo.

Wasiirka war-faafinta Somalia, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa qoraal warbaahinta loogu talo-galay ku sheegay in kooxo wata gaari NOAH ah ay isku qarxiyeen koontroolka laga ilaaliyo madaxtooyada, halkaasna lagu celiyay kooxihii weerarka soo qaaday.

“Kooxaha weerarka soo qaaday waxay wateen gaari NOAH ah iyagoo isku soo ekeysiiyay dad shacab ah, laakiin markii lagu joojiyay koontaroolka ayay baabuurka ka dageen oo ay qarxiyeen, iyagoo isku dayay inay galaan xarunta madaxtooyada, balse nasiib-wanaag ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa horjoogsaday isku-daygaas. Afar ka mid ah kooxahaas waa la dilay mid ka mid ahna waa la qabtay,” ayuu wasiirka warfaafinta ku yiri hadal wadajir ah oo laga soo saaray madaxtooyada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa qoraalkan mar kale ku sheegay: “Weerarka waxaa lasoo qaaday intii aan xilliga afurka la gaarin. Falkaanna wuxuu ka mid yahay falalka foosha xun ee ay argagaxisadu geysnayaan bishan Ramadaan, waana qorshayaal ay ku doonayaan inay ku burburiyaan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Ciidamada ammaankuna waxay ku guuleysteen inay is-hortaag ku sameeyaan weerarkaas, wuxuuna la mid yahay weerarkani kuwii horay ay ugu guul-darreysteen oo kale.”

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray in argagaxisadu ay caalamka oo dhan khatar ku yihiin, loona baahan yahay in caalamku xal wadajir ah ka gaaraan. Isagoo hadalkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya ay fuliayso ballanqaadkeedii ahaa la-dagalanka argagaxisada, beesha calamkana ay uga fadhiyaan inay gacan ka siiso howshaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isaguna qoraalkan wadajirka ah ku yiri: “Xilligan aan hadlayo waxaan joogaa deegaankeyga madaxtooyada Soomaaliya waana meel ammaan ah, sidoo kale anigana waan caafimaad qabaa. Hadallada ku-tiri-ku-teenta ah ee argagaxisu ay sheegeen oo ah inay la wareegeen dhismaha madaxtooyada ayna ka dhex-dagaalameen waa kuwo aanay waxba ka jirin. Sida wasiirka warfaafintu sheegay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo is-kaashanaya ayaa si dhaqso ah uga hortagay weerarkaas ammaanka madaxtooyadana gacanta ku haya. Weerarkaasna wuu fashilmay,”

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray: “Argagaxisadu waxay internet-ka ku sheegtaan sidii ay doonan, wayna ka hanjabaan. Waxaan u sheegayaan in aysan na dili karin, niyadeennana waxba uma dhimi kartaan. Dowladdu way jiri doontaa, kumana dumayso hadallada internet-ka aad ku daabacaysaan. Halkan ayaan joogaynaa. Dowladda Soomaaliyana halkan ayay joogaysaa, aniguna halkan ayaan joogayaa - Ilaahay idankiis. Argagaxisaduna ma wax-yeeleyn karaan howsha wanaagsan ee la qabtay, xilliyadii adkaana waan kasoo gudubnay. Howsha waan sii wadaynaa, waana dagaalkana aan idin kula jirnana waan sii wadaynaa.”

“Waxaan doonayaa inaan kusoo gaba-gabeeyo fariinteydan in waalidiinta Soomaaliyeed laga doonayo inay la socdaan dhaqdhaqa carruurtooda. Waayo waa wiilal Soomaaliyeed, waana inaan si wadajir ah uga shaqeynaa sidii aan ku xaqiijin lahayn in carruurteennu ay noqdaan kuwo waddo wanaagsan ku taagan. Waxaan idin ka doonaynaa inaad dowladda la shaqeysaan, waana inaad nala socodsiisaan haddii aad aragtaan wax aan caadi ahayn,” ayuu ku yiri Xasan Sheekh qoraalka caawa laga soo saaray madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka Soomaaliyeed oo dhan inay qayb ka qaataan sugidda amniga dalkeenna, sidoo kalena laga wada qayb-qaato sidii loo burburin lahaa argagaxisada looga dhigi lahaa Soomaaliya mar kale meel amni iyo barwaaqo uu ka jiro. Waxaan rajeynayaa buu yiri in qoysaska Soomaaliyeed ay si nabad ah ku dhameystaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya