4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Al-shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerarkii Madaxtooyada Soomaaliya


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii caawa lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo uu hadda joogsaday dagaalkii xooganaa ee socday.

Afhayeenka howlgaallada Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ay iyagu ka dambeeyeen ayna saacado gacnta ku hayeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

“Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan innaga ayaana ka dambeynay, xoogaggii weerarka qaadayna way bad-qabaan,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta qaar ka mid ah, isagoo intaas ku daray inay ciidammo badan ku dileen weerarkan.

Sidoo kale, sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay weerar culus ku qaaday madaxtooyada, laakiinse la dilay gabi ahaan kooxihii weerarka soo qaaday, isagoo intaas ku daray in xubno ka tirsan shaqaalaha ka howlgala madaxtooyada ay ku lug lahaayeen dagaalka.

Faahfaahin kama bixin sarkaalkan tirada dadka ku dhintay weerarkan oo socday muddo saacado ah, isagoo xusay in kooxaha argagaxisada ah aysan ku guuleysan doonin weerarada ay kusoo qaadayaan xarumaha kala duwan ee dowladda Somalia ay ku leedahay Muqdisho.

Iska-horimaadkaan oo isugu jiray mid is-miidaamin iyo toos ah ayaa wuxuu ahaa midkii ugu xoogganaa oo saacado qaatay, iyadoo gudaha madaxtooyada iyo dibaddeedaba lagu arkayo maydad fara badan oo daadsan, inkastoo aan la kala sheegi karin.

Mas’uuliyiinta hay'adaha ammaanka ayaan weli faahfaahin ka bixin dagaalkan oo ahaa mid isugu jiray kuwo toos ah iyo is-miidaaminno, iyadoo tani ay ka dhigayso markii labaad oo Al-shabaab ay weerarto xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in xarunta ay joogeen intii uu dagaalkan uu socday wasiirro ka tirsan dowladda, iyadoo la sheegay in guri ay ku jireen xubno wasiirro ah uu hortiisa qarax ka dhacay, laakiinse uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray qaraxaas. 

Waddooyinka waaweyn gala xarunta madaxtooyada Somalia iyo kuwa kale ee muhiimka ah ayaa xiran caawa, iyadoo lagu arkayo ciidammo fara badan, waxaana ka mid ah waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii caawa lagu qaaday xarunta madaxtooyada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya