4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Kooxo Hubeysan oo Weerar Culus ku Qaaday Xarunta Madaxtooyada Somalia


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa weerar xooggan ku qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu sababay weerarka.

Weerarkan ayaa ka billowday albaabka dambe ee xarunta madaxtooyada, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan weerarka oo isugu jiray kuwo ismiidaamin ah iyo kuwo toos ah oo ay kooxaha hubeysn ku galeen gudha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in weli uu gudaha madaxtooyda laga maqlayo weli qaraxyo waaweyn iyo rasaas culus, balse ma jiro warar rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Ilo wareedyo ku sugan agagaarka xarunta madaxtooyada ayaa HOL u sheegay in kooxaha hubeysan ay weli ka dagaalamayaan gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay ku xayiran yihiin mas'uuliyiintii ku jiray halkaas.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in intii uusan weerarku billaaban uu ka tagay halkaas, isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha oo la sheegay inuu ku lahaa caawa afur.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ee loo yaqaan ALPHA guruub ayaa isku wareejiyay xarunta madaxtooyada; iyadoo la hakiyay dhaqdhaqaaqyadii, lana xiray jidadka soo gala madaxtooyada iyo dhismayaasha ku dhow, sida xafiiska ra'iisul wasaaraha, wasaaradda warfaafinta iyo safaaradda Itoobiya oo ku taalla agagaarka madaxtooyada.

Dhanka kale, goobjoogayaal ku deggen agagaarka madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in dagaalku uu yahay mid culus lana maqlayo rasaas iyo qaraxyo ismiidaamin ah mararka qaar ka dhacaya halkaas.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo Al-shabaab ay ku qaaddo xarunta madaxtooyada tan iyo markii uu billowday sannadkan, wuxuuna imaanayaa xilli madaxda dowladda ay ku gooddiyeen inay wax ka qabanayaan ammaanka magaalada Muqdisho inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo Al-shabaab ay ku hanjabtay inay weerarro geysanayso.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doonaan haddii Alle idmo wararkeenna soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya