4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Musyoka oo Shaaciyay in Ciidamada Kenya ay Soomaaliya ka wadaan Ganacsi


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya oo ka mid ah mas’uuliyiinta mucaaradka Kenya ee CORD, Steve Kalonzo Musyoka ayaa daboolka ka qaaday in saraakiil ciidamada Kenya ee Somalia ku sugan ay halkaas ka wadaan ganacsi sharci-darro ah.

Musyoka ayaa xusay in saraakiisha sare ee ciidamada Kenya ee Koonfurta Somalia ku sugan ay awooddooda u adeegsadaan ganacsi sharci darro ah sida in dekedda Kismaayo laga dhoofiyo dhuxun sharci-darro ah.

“Waxaan ku baaqaynaa in ciidamad a Kenya laga soo saaro Soomaaliya, waayo wax howl ah oo ay ka hayaan ma jirto, waxayna xuddun u yihiin dhibaatooyinka dhinaca amniga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya,” ayuu yiri Musyoka.

Sidoo kale, Kalonzo wuxuu sheegay xilli uu ka hadlayay isku soo bax uu CORD soo qaban-qaabiyay oo Isniintii shalay ka dhacay Nairibo in isaga iyo xubno Kenyan ah ay weligood kasoo horjeedeen in Soomaaliya la geeyo ciidamada Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa kaga sugan gudaha Soomaaliya 4,000 oo askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ay noqonayso eedeynta uu u soo jeediyay Musyoka ciidamada Kenya tii ugu horreysay nooceeda oo uu mas’uul Kenyan ah u jeediyo.

Ciidamada Kenya ayaa horay loogu eedeeyay inay xulufo la yihii maamulka KMG ah ee Jubba oo gacanta ku haya Kismaayo, waxaana xukuumadda Somalia ay horay u dalbatay in ciidamada Kenya laga bedelo deegaannada Koonfurta Soomaaliya, balse weli lama fulin dalabkaas.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka dalka Kenya ayaa horay u sheegay in ciidamadooda ay u joogaan Soomaaliya sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab oo ay xuseen inay dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah ka geysanayso gudaha Kenya.

Dhanka kale, hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab ay horay u sheegtay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan shacabka ku nool gobolllada Koonfureed ee ay ka howlgalaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya