4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Ciidanka Dowladda oo Howlgal ka Sameeyay Degmada Buula-burte G/Hiiraan

Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Xili wali ay go'doon ku jirto degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa howlgal ka sameeyay ciidammada dowladda ee gacanta ku haya degmada.

Sarkaal ka tirsan ciidammada oo lagu magacaabo C/llaahi Barre ayaa isaga oo ku sugan degmada Buula-burte sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammniga degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw, isaga oo intaa ku darray in howlgalkaa ay ku soo qab qabteen dad lagu tuhusan in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

“Way jiraan dad ka tirsan Al-shabaab oo aan soo qabanay, waxaana la sugeynaa sharciga, warbaahintana waan u soo bandhigi doonaa,'' ayuu yiri C/llaahi Barre.

Mar wax laga weydiiyay go'doominta Al-shabaab ay ku hayaan degmada, ayuu sheegay in howlgaladan socda yihiin kuwo la doonayo in dhawaan sidda uu hadalka u dhigay Al-shabaab looga saaro deegaannada ay gacanta ku hayaan si oo furo jidadka soo galla degmada.

Xarrakada Al-shabaab ayaa wali maamusha deegaanno ku dhaw dhaw degmada Buula-burte waxaa ay u diidaan in ay gudaha u gallaan gadiidka xamuulka ah ee sidda badeecooyinka kala duwan, taasoo nolasha ku adkeysay dadka ku dhaqan gudaha degmada.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa marar badan oo hore ku cel celiyay in ay wax ka qaban doonaan xaaladaha nolaleed ee waqtigan ka jira degmada, gaar ahaa in ay qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Degmada Buula-burte waxaa ay ka mid tahay degmooyin dhowr ah oo ku yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo sanadkan lagala wareegay Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya