4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Madaxweyne Gaas oo Garoowe kula kulmay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas
ayaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland ku qaabilay safiirka cusub ee ay dhawaan dowladda Talyaaniga u soo magacowday Soomaaliya, iyagoo ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Danjire Marcelli oo ah safiirka Talyaaniga ee Somalia ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda faderaalka ah ee Somalia, wuxuuna xusay inay dowladda Talyaanigu saacidi doonto dhammaan Soomaalida.

Gaas iyo  Marcelli ayaa shirka ku dhexmaray madaxtooyada waxaa ku wahelinayay saraakiil ka tirsan madaxtooyada. Iyadoo markii uu kulanku soo dhammaaday ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta; iyadoo C/weli Gaas uu sheegay in Puntland iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

“Dowladda Talyaaniga waad la socotaan Puntland waxay kawaddaa mashaariic kala duwan oo uu ugu horreeyo lacagta ku baxaysa garoonka diyaaradaha Boosaaso, TV-ga maamulka Puntland oo hadda shaqaynaya iyo taageerada dhanka booliiska Puntland,” yuu yiri madaxwayne Gaas.

Mudane Gaas ayaa ayaa intaas ku daray: "Taageerada dhanka caafimaadka sida isbitaallada Garoowe iyo Eyl iyo mashaariic kale oo badan ayuu Talyaanigu halkan ka wadaan, sidoo kale waxaan ka rajeynaynaa mashaariic kale oo fara badan inay Puntland ka fuliyaan."

Intaas kaddib waxaa isna saxaafadda la hadlay danjire Marcelli oo sheegay inuu madaxweynaha Puntland uga mahad-celiyo soo dhaweyntiisa, isagoo intaas ku daray in dowladda Talyaaniga ay sii wadayso taageerada ay siiso Puntland.

Ugu dambeyn, danjire Marcelli ayaa Puntland u yimid sidii Talyaanigu ugu wareejin lahaa Puntland TV-ga ku hadla afha maamulka ee Puntland-TV oo ay maal-galisay gacantanna ka geysatay dowladda Talyaaniga.

Iman Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya