4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Maxkamadda Ciidamada oo dil ku Xukunta Ruux Qorsheynayay inuu is-qarxiyo

Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Wiil dhallinyaro ah oo looga shakiyay inuu waday qorshe uu doonayay inuu ku qarxiyo hoteelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dil toogasho ah ku xukuntay maxkamadda milateriga dalka.

Caawiye Axmed Jaamac oo 25-jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu bishii November 2013-ka doonayay inuu isku-qarxiyo gudaha hotel Maka Al-Mukamara balse ay wax ka qaldameen, taasoo keentay in ciidamada amnigu ay gacanta kusoo dhigaan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in eedeysane Caawiye uu qirtay inuu dambiga galay, uuna qareenka ninkan dalbaday in laga qafiifiyo xukunka maadaama uu qirtay dambigiisa.

“Maxkamadda ciidamada waxay caddeymo buuxda iyo markhaatiyaan u heshay dambiga lagu soo oogay Caawiye Axmed Jaamac, isaguna wuu qirtay inuu galay dambigaas, sidaa daraadeed maxkamadda ciidamadu waxay ku xukuntay dil, “ ayuu yiri Col.  Liibaan Cali Yarow markii uu xukunka ku dhawaaqayay.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ayaa sheegay in muddo 30-maalmood ah uu ka qaadan  karo dambiilaha la xukumay rafcaan xukunkiisa, haddii muddadaas la dhaafana uu xukunku noqonayo mid aan waxba laga bedeli karin.

“Ninkan wuxuu ka tirsnaa Al-shabaab, wuxuuna sida qaraxyada loogu sameeyo Laptop-ka kusoo bartay degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelada Hoose, waxaana Muqdisho loo keenay inuu hoteelkan ka fuliyo qarax,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda oo ka b bixiayay sharraxaad eedeysanaha ay dilka ku xukumeen.

Laba ruux oo la socday ayaa qaraxyo ka geystay dibadda hoteelka Maka Al-Mukarama kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askar shacab iyo qaar ka mid ah ilaalada hoteelka.

Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay riddo maxkamadda cidiamada qalabka sida. Balse maxkamada ayaa horay xukunno ugu ridday eedeysanayaal kala duwan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo qaarkood lagu xukunnadaas, halka kuwo kalena aan weli lagu fulin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya