4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Kulan looga Hadlayay Ammaanka Caasimadda oo Xalay lagu Qabtay Muqdisho


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, taliyeyaasha laamaha ammaanka, maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay Muqdisho ku yeeshay kulan amniga looga hadlay, kaasoo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay furitaankii kulanka ayaa ka warbixiyay kulan uu la soo qaatay madaxweynaha, guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanno, kaasoo looga hadlayay qaabka ugu habboon ee si wadajir ah looga hor-tagi karo fallalka gurracan ee ay geysanayso Al-shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso sugidda ammaanka, isla markaana uu kulankan yahay mid ay tallooyin isku weydaarsanayaan xukuumadda, guddiga difaaca baarlamaanka iyo hay’adaha ammaanka.

Mudane C/weli ayaa ka dalbaday hay’adaha amniga inay fuliyaan go’aamadii kasoo baxay kulamadii hore ee ammaanka looga hadlayay, isla markaana ay kaashadaan shacabka si looga guuleysto fallalka uu cadowgu maleegayo.

Dhinacyada ka qayb-galay kulankaas ayaa dood ka yeeshay qaabka looga hortagi karo weerrarada ka imaanaya Al-shabaab bisha barakeysan ee Ramadan, waxayna isku raaceen in la xoojiyo howlgallada laga sameynayo magaalada Muqdish.

Markii uu kulanku soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka difaaca, ahna ku simaha wasiirka amniga Qaranka, Maxamed Shiikh Xasan Xaamud, isagoo sheegay in la isku af-gartay inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo xukuumadda iyo laamaha amniga ku xaqiijinayaan nabad-galyada.

Xaamud ayaa bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan sugidda amniga caasimadda , isagoo xusay in dhawaan Muqdisho laga hirgelin doono baro ay kusoo wargeliyaan shacabku ciidamadda amniga si looga hortago falku intuusan dhicin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya