4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Kabtankii ugu horreeyay Xulka Qaranka Somalia oo Muqdisho ku Geeriyooday


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Allaha u raxmadee Maxamed Khalaf Aadan (Shangole) oo ahaa kabtankii ugu horreeyay xul ku ciyaara magaca Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday Muqdisho, kaddib markii uu muddo xanuunsanaa.

Shangole ayaa ka mid ah aabbayaasha isboortiga Somalia, isagoo xulka Qaranka Soomaaliya noqoday sannadkii 1954-kii, xilligaasoo uusan jirin horumar dhinaca isboortiga ah, sidoo kalena aan lagu ciyaari jirin kabo.

Marxuumka ayaa wuxuu tan iyo xilligaas ku dhexjiray, isboortiga Somalia, isagoo lagu arki jiray goobaha lagu ciyaaro kubadda cagta, waxaana uu ahaa halyey aad u qadariya ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Geerida marxuumka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo sidoo kale bahda isboortiga Somaaliyeed, waxaana uu ifka uga tagay caruur fara badan iyo kuwo ay dhaleen.

Caruurta marxuumka uu dhalay waxaa ka mid ah; Sheekh Fu’aad Maxamed Shan-gole oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, kaasoo ka mid ah xubnaha sar-sare ee kooxdan oo Mareykanku uu dul-dhigay lacago fara badan si uu u helo xogtiisa.

Inkastoo aan la ogeyn da’da uu ku dhintay marxuumka ayaa haddana dadkii aadka uga dhawaa waxay sheegeen inay da’diisu ka badnayd 90-sano, waxaana uu kaga qaybgalay Muqdisho dhawaan furitaanka ciyaaro kubadda cagta ah.

Maydka marxuumka ayaa lagu aasayaa Muqdisho isla maanta iyadoo lagu wado in ay ka qaybgalaan aaskiisa mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya