4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Hal Ruux oo ku dhintay Weerarro xalay ka dhacay Degmada Wajeer iyo Lamu


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday dhowr qof oo kalena way ku dhaawaceen qarax bambaano oo lagu weeraray maanta maqaahi ku taalla magaalada Wajeer ee dalka Kenya, iyadoo markaas kaddib ay kooxo kale rasaas ku fureen maqaayadda.

“Dhaawacyadii waxaa loola cararay isbitaalka degmada Wajeer, qof ka mid ah kuwa dhaawacmayna waxaa ku taalla rasaas,” ayuu yiri taliyaha booliiska Wajeer, David Kurai oo warbaahinta la hadlay.

Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo dhacay xalay, iyadoo tani ay qayb ka noqonayaan weerarrada dhiigga badan uu ku daatay ee Al-shabaab ay ku qaadaysay xilliyadii dambe deegaannada xeebta ku yaalla ee Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa weeraradii ay ku qaadaysay tan iyo bishii May ee lasoo dhaafay waxaa ku dhintay 90-qof, iyadoo Uhuru Kenyatta uu sheegay inaysan ka dambeyn weerarradaas qaarkood Al-shabaab, balse ay soo abaabuleen shabakado siyaasadeed oo ku sugan Kenya.

Kooxihii weerarkan geystay ayaan la qaban, iyadoo xaaladda magaaladu ay tahay mid deggen, iyadoo ciidamada amniga ay sheegeen inay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii weerarka khasaaraha dhaliyay ka geystay Wajeer.

Dhanka kale, booliiska Kenya ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin ay weerar ku qaaday xalay oo Isniin ahayd deegaan lagu magacaabo Amu Ranch oo 16-km galbeed kaga beegan Lamu oo ah goob lagu xannaaneeyo xoolaha.

Ma jirto cid wax ku noqotay weerarkaas, iyadoo kooxihii weerarka geystayna ay ka baxsadeen, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo gobolkani uu xudun u noqday weerarrada ay Al-shabaab la beegsanayeen dalka Kenya.

Weerarradan ayaa waxay imaanayaa xilli isbahaysiga CORD ee dalka Kenya ay ku baaqeen in amniga Kenya uu ku jiro in ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia laga soo saaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya