4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Mucaaradka Kenya oo ku baaqay in Ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ayaa ugu baaqay xukuumadda Isniintii shalay inay ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia, kaddib markii Al-shabaab ay dalkaas ku qaaday weerarro uu dhiig badan ku daatay.

Raila Amolo Odinga ayaa ka sheegay banaanbaxa inaan la aqbali karin in shacabka Kenya dhiiggooda la daadiyo, isla markaana uu dalku ku jito ammaan-xumada uu haatan ku jiro.

Madaxda CORD ayaa ugu baaqay xukuumadda JUBILEE inay  sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo saarto ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya, taasoo ay sheegeen in ay yareyn karto weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayso gudaha dalkaas.

Stephen Kalonzo Musyoka oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Kenya ayaa ka yiri dibadbaxa: “Innagu lama hadli karno dadka dhegaha la’a.” inkastoo uusan si cad carrabka ugu dhufan cidda uu ula jeedo dadkaas.

Hadalka mucaaradka Kenya ayaa noqonaya kii labaad oo ay ku baaqaan inta lagu jiro sannadkan, iyadoo madaxda Kenya ay horay u diideen codsigii mucaaradka ee ahaa in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa wuxuu tan iyo markii uu ciidamadiisa u soo diray Somalia 2011-kii la kulmayay weerarro kaga imaanaya Al-shabaab, iyadoo dhawaan ay weerarro khasaare badan geystay ku qaadday kooxdan deegaanno ku yaalla xeebta Kenya.

Inkastoo  Al-shabaab ay sheegatay dilka in ka badan 92-qof oo ku dhintay dhowr weerar oo ka dhacay gudaha Kenya ayaa haddana madaxweynaha dalkaas wuxuu diiday in Al-shabaab ay ka dambeysay weerarradaas, isagoo sheegay inay falalkaas soo abaabuleen shabakado siyaasiyiin ah oo ku sugan Kenya.

Odinga ayaa dhanka kale sheegay inay burbureen wadahadallo ay mucaarad ahaan horay ugu baaqeen in xukuumaddu ay furto si looga tashada xaaladaha amniga iyo horumarka dhaqaale ee dalka, isagoo xusay in muddadii loo qabtay wadahadallada ay ku ekeyd shalay oo Isniin ahayd.

“Xilligii wadahadalku wuu dhammaaday,” ayuu yiri Raila Odinga oo la hadlayay taageerayaashiisa, isagoo xusay in looga baahan yahay xukuumaddu inay dib u qabato xilli ay wadahadlaan mucaaradka iyo xisbiga talada haya.

Ma jirto wax jawaab ah oo weli ay ka bixisay xukuumadda Kenya, hadalka kasoo yeeray isbahaysiga mucaaradka dalkaas ee CORD, balse waxaa la xusuustaa inay horay u diideen madaxda Kenya baaqii kan ka horreeyay ee mucaaradku ay soo saareen.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo Al-shabaabna ay horay u sheegtay inay nabadda Kenya ku jirto in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya