4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Mid ka mid ah Xildhibaannadii Baarlamaankii KMG ahaa oo Muqdisho lagu dilay

Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii hore ee KGM ahaa ee Soomaaliya ayaa saakay kooxo hubeysani waxay ku dileen xaafad ku dhow aargada degmada Wadajir, kuwaasoo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Cumar Bagadi ayaa wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaannadii dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay in la toogto xildhibaankan hore haatanna ka mid ahaa siyaasiyiinta dalka.

Mas’uul ka tirsan degmada Wadajir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka mudanahan hore saakay loogu geystay degmadaas, iyadoo dilkan uu qayb ka noqonayo dilalkii dhawaanahan ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo mas’uuliyadoodda ay sheegatay Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada degmada Wadajir ayaa sheegay inay ku howlan yihiin baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaankan hore oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Degmada Wadajir ayaa waxaa shalay lagu dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda ee canshuuraha qaada, kaasoo ay toogteen dhallinyaro ku hubeysan bastoolado xilli uu galayay kawaan lagu iibinayay hilib si uu uga soo qaado canshuur.

Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in dilkaas ay fuliyeen kooxo bastoolado watay, kuwaasoo baxsaday, iyagoo shacabka degmada ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii looga hortegi lahaa kuwa falalka amni-xumada ah geysanaya.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda falalkii ammaan-xumo ee dhawaanahan ka dhacayay Muqdisho, iyadoo tan iyo markii uu billowday Ramadaanka lagu dilay Muqdisho tiro ku dhow 50-qof oo u badnaa askar ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya