4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Tababar ku saabsan ka hortagga Kufsiga oo loo qabtay Haween Soomaaliyeed


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Wasaaradda haweenka iyo xuquuqda insaanka Somalia oo gacan ka helaysa hay'adaha UNFPA iyo UNICEF ayaa tababbar ku saabsan sida looga hortagayo tacadiyada ay haweenku la kulmaan ku qabatay Muqdisho.

Tababarkan ayaa waxaa ka qayb-qaatay 50 haween ah, iyadoo mas’uuliyiintii ka hadlay furitaankii tababarka ay xuseen in tababarkan uu yahay mid lagu xoojinayo sidii ay uga hortegi lahaayeen haweenka Soomaaliyeed tacadiyada uu ka mid yahay kufsiga.

Sidoo kale, fulinta tababarkan ayaa waxaa gacan ka geysatay AMISOM, iyadoo la sheegay in tababarkan uu faa’iido weyn u yahay haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda inta badan la kulma dhibaatooyinka uu kufsigu ka mid yahay.

Ku simaha ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Lydia Wanyoto-Mutende ayaa ku baaqday in la joojiyo dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliyeed, iyadoo tababarkanna ku tilmaantay mid faa’iiddo u leh haweenka.

"Waa inaysan dhicin in qof dumar ahi dayacnaato, innaguna waa inaan muujinnaa in dhibaatooyinka loo geysto dumarka aan loo dul-qaadaneyn mar kale," ayay tiri Wanyoto Mutende.

Iyadoo sii hadlaysa ayay intaas raaacisay: "Waa inaan annagu is xoojinno si aan u xoojinno dumarka walaalaheen ah ee Soomaaliyeed. Waa inaan gacan ka geysanno sidii ay dugsiyada ugu laaban lahaayeen gabdhaha aan aan dhigan iskuullada si ay u bartaan xirfadaha asaasiga ah soo qayb ka ah nidaamka nabad-dhisidda Somalia. Waa haweenka kuwa ku oran kara wiilashooda iyo nimankooda dagaallada joojiya."

Ma ahan markii ugu horreysay oo haweenka Soomaaliyeed la siiyo tababarro kuwan oo kale ah, iyadoo horay dhowr jeer tababarro ay uga hortagaan ragga doonaya in ay kufsiga u geystaan ay haween Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah la siiyay.

Tababarkan ayaa kusoo beegmayaa iyadoo shirweyne caalami ah oo dhawaan lagu qabtay magaalada Londoon ee dalka Britain lagu dalbaday in dunida laga cirib-tiro xad-gudubyada loo geysto haweenka, dalalka sida gaar ah looga hadlayna ay ka mid ahayd Soomaaliya.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa intooda badan waxaa loo geysta xad-gudubyo ay ka mid yihiin kufsiga, iyadoo lagu eedeeyo ciidamada dowladda iyo rag hubeysan inay ka geystaan kufsiyada ugu badan xeryaha ay ku jiran dadka barakacayaasha ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya