4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Dilal iyo Qarax Siyaabo kala Duwan uga Dhacay Xarunta Somalia ee Muqdisho

Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena qaraxa lala beegsaday gaari uu watay taliyaha saldhigga booliiska degmada Wardhiigley.

Labadan qof ee la dilay ayaa waxay isugu jireen askari iyo qof shacab ah, kuwaasoo lagu kala dilay degmooyinka Dharkeynley iyo Huriwaa, halka taliyaha gaarigiisana lagula beegsaday qaraxa gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Ruuxa rayidka ah ee lagu dilay degmada Huriwaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Macallin Barre, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka ruuxan rayidka ah oo la sheegay inuu ka mid ahaa dhallinyarada xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegtay inay dilka wiilkan geysteen dhallinyaro bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo markii ay toogteen goobta ka baxsaday, iyadoo degmadaan lagu dilay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dad shacab ah iyo askar dowladda ka tirsan.

Askari ayaa isagana lagu dilay xaafadda Suuq liif ee degmada Dharkeynley iyadoo ay toogteen dhallinyaro bastoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday, waxaana dadka deegaanka oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay toogteen bastooladley.

Wararka ayaa sheegaya in askarigan uu ka tirsanaa ciidamada saldhigga Galbeed ee degmada Dharkenyley, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay, waxaana dilka markii uu dhacay goobta gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo maydka askariga ka qaaday halkaas.

Dhanka kale, gaariga taliyaha saldhigga booliiska degmada Wardhiigley ayaa xalay qarax lagula beegsaday gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo dhaawacyo ay soo gaareen ilaaladii taliyaha, taliyuhuna uu ka badbaaday weerarkaas.

Qaraxan oo ahaa miino wadadda dhinaceeda lagu aasay ayaanay jirin cid sheegatay inay ka dambeyso, waxaana isla xalay ciidamadu ay baaritaanno ka sameeyeen halkii uu qaraxu ka dhacay, iyadoo dhowr qof loo qabqabtay qaraxan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilalkii xalay Muqdisho loogu kala geystay askariga iyo qofka rayidka ah oo ahaa wiil ka mid ah dhallinyarada xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya