4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2014
Kulan looga hadlayo Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho


Talaado, July 08, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed iyo wasiirka warfaafinta, Mustafa Sh. Cali (Dhuxuloow) ayaa furay shir looga tashanayo xeerka saxaafadda Somalia oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda warfaafinta.

Shirka ayaa soconaya muddo laba maalmood ah, waxaana ka qayb-galaya wakiillo ka socday hay’adaha warbaahinta qaarkood, ururrada saxafiyiinta iyo guddi horay ay u dhistay wasaaaradda warfaafinta oo la sheegay inay soo diyaarinayaan xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Dhuxulow oo hadal ku furay kulanka ayaa sharaxay xilligii uu soo billowday xeerka saxaafadda iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, isagoo xusay inay ka doodeen guddigan xeerka, isla markaana ay ka reebeen waxyaabihii ay u arkeen in aysan dan ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoo ku daray qodobbo ay u arkeen inay yihiin kuwo wanaagsan, saxafiyiintana ugu baaqay inay ku darsadaan xeerkan wixii talo ah ee ay hayaan.

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxda warbaahinta iyo wariyeyaasha Somaaliyeed inay taageeraan xeerka saxaafadda, isagoo xusay in xeerkan wax badan oo xuquuq ah uu siinayo saxafiyiinta, ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay xeerkanna ay tahay in la helo qaabkii loogu adeegi lahaa horumarka dalka.

“Waxaan ballan-qaadayaa in mar kasta ay ku dadaalayso xukuumaddu xorriyadda warbaahinta iyo difaaca xurriyatul qowlka, waxaana caddeynayaa in xukuumaddu wax cadaadis ah aysan ku saarayn saxaafada inay aqbalaan xeerkan, balse waxaan soo dhaweynaynaa wixii talo iyo tusaale ah oo lagu kordhiyo sharcigan saxaafadda, si loo helo sharci damaanad qaadi kara xaquuqda wariyeyaasha iyo dhammaan howl-wadeennada warbaahinta xorta ah, taladooda iyo awoodooddana isugu geeya sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo nabad kusoo celinta dalka,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegay in lagu jirto dagaal, loona baahan yahay warbaahintu inay gacan ka geysato sidii looga adkaan lahaa kooxaha dhibaatada ku haya wariyeyaasha iyo bulshadda qaybaheed kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya