4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ka dooday sidii loo hubeyn lahaa Taraafikada

Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa dooday suuro-galnimada sidii loo hubeyn lahaa ciidanka taraafikada, kaddib markii ay Al-shabaab ku hanjabtay inay beegsanayso wixii hadda ka dambeeya.

Mid ka mid ah ciidamada taraafikada ayaa shalay lagu dilay meel ku dhow hoteelka Lafa-weyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa ay geysteen rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna noqday askarigii shanaad oo ka tirsan ciidmada taraafikada oo Muqdisho lagu dilo muddo toddobaad gudihiis ah.

Ma jiro go’aan ay ka gaareen golaha wasiirrada qorshahan, iyadoo taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Jen. Cali Xirsi Barre uu sheegy in hadallada goodiska ah ee kaga imaanaya Al-shabaab aysan u joojin doonin howlaha ay bulshada u hayaan.

Ciidamada taraafikada ayaa ahaa kuwo aanay xoogagga dowladda ku kacsan beegsan, isla markaana ma ahayn ciidamadan kuwo hubeysan, iyadoo dilka shanta askari ee ciidamadan ka tirsan ay cabsi-geliyeen ciidanku uu jidadka Muqdisho ka waday.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id qabtay shalay ayaa sheegay inay wixii hadda ka dambeeya beegsn doonaan askarta Taraafikada oo uu ku eedeeyay inay jidadka la taagan yihiin firinbi ayna ku yihiin caqabad bulshada iyo gaadiidka.

Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Jen. Cali Gab ayaa wsiirrada ka dalbaday inay go’aan ka gaaraan qodobkan si ay uga hortagaan beegsiga ay Al-shabaabku ku hayaan ciidamada taraafikada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya