4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Madaxweyne Gaas oo kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo X. Xoolaha

Isniin, July 07, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland oo maalmihii u dambeeyey wadey kormeer uu ku tegayey xarumaha wasaaradaha ee magaalada Garoowe, ayaa maanta booqday Wasaaradaha Maaliyadda iyo Xannaanada Xoolaha.

Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada, wuxuu ugu horreyn tegey Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, halkaas oo si diiran ay ugu soo dhoweeyeen wasiir-ku-xigeenka wasaaradda C/wali Seed Cilmi, agaasimaha guud iyo qaar kamid ah agaasime-waaxeedyada wasaaradda.

Madaxweynaha ayaa intii uu Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku sugnaa wuxuu mid mid u galay dhammaan xafiisyada iyo qaybaha ay xaruntu ka kooban tahay, isagoo warbixin kooban ka dhegeystey wasiir-ku-xigeenka iyo howl-wadeenada kale ee Wasaaradda.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Intaas kaddib Mudane Gaas wuxuu usii gudbey Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasoo uu si diirran ugu soo dhoweeyey Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Mudnae Shire Xaaji Faarax.

Wasiirka ayaa madaxweynaha uga warbixiyey habsami-u-socodka shaqada wasaaradda, iyadoo madaxweynuhuna uu ku dhiirigeliyey dhammaan howl-wadeenada wasaaradda in ay shaqadooda sii dardar geliyaan.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii sidan oo kale Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu kormeer ugu tegey xarumaha wasaarado dhowr ah oo ay kamid yihiin: Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda War-faafinta, Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha; Wasaaradda Haweenka iyo weliba Wasaaradda Qorsheynta.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya