4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Maxamed Biixi oo kulan la yeeshay qunsulka Turkiga u fariisanaya Somaliland

Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka dowladda Turkigu u soo magacawday inuu u fariisto Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaaa qunsulkan kala hadlay siddii xidhiidhka Somaliland iyo Turkiga loo wanaajin lahaa iyo sidii mashaariicda ay ka waddo Somaliland loo kordhin lahaa.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibeda oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka wasaaradaasi Siciid Cali Muuse, waxaanu u qornaa sidan: “Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Maxamed Biixii Yoonis, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkeyga u fadhiya Somaliland, Muzaffer Yuksel.  Booqashada Yuksel ee Wasaarada Arrimha Debedda ayaa la xidhiidhay is-barasho, waxaana laga wada hadlay xidhiidhka Turkeyga iyo Somaliland.  Arrimaha kale ee laga wada hadlay waxa ka mid ahaa mashaariicda dawlada Turkeygu ka fulinayso Somaliland, oo ay Cusbitaaladu ka mid yihiin iyo mashaariic kale”.

“Qunsulka Guud wuxuu halkaas ka sheegay in intii uu joogay Somaliland uu wax badan oo aanu hore u ogayn haatan ogaaday, kuna faraxsan yahay joogitaanka caasimada Somaliland ee Hargeisa.  Arrin kale oo labada geesood isla soo qaadeen waxay ahayd sidii loo dedejin lahaa xafiiska Xoghaynta ee Somaliland ee dalka Turkeyga xafiiskaas oo qaabilsan wada hadalada ka dhexeeya Somaliland iyo Somalia”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Munaasibada waxa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda, Mowliid Mohamed Ibrahim iyo Safiirka Somaliland u magcawday dalka Turkeyga, Cali Axmed Cismaan oo la filaayo in uu dhowaan ka hawl galo dalka Turkeyga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland