4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Shil dhimasho Sababay oo ka dhacay Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyooday shan kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo maanta ka dhacay jidka isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ah kuwa dadweynaha qaada ee Caasiga loo yaqaan oo midkood uu ka baxay Muqdisho halka kan kalena uu ka yimid demada Afgooye, iyadoo shilkan uu ka dhacay halka loo yaaqaan calamada.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo, Mahad Cismaan Geeddi  ayaa war-baahinta u sheegay in shilkan dadkii ku dhaawacmay markiiba loola cararay isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

“Shilku wuxuu ahaa mid fool xun, waxaan arkay dhimashada saddex ruux iyo shan kale oo dhaawacyo qaba, kuwaasoo qaarkood ay aad u daran yihiin, dhaawicii markiiba waxaa loo qaaday Muqdisho, balse meydadku weli halkii uu shilku ka dhacay ayay yaallaan,” ayuu yiri Geeddi.

Goobjoogaha ayaa sheegay in shilkan uu yimid kaddib markii mid ka mid ah darawallada labada baabuur ee isku dhacay uu awoodi waayay inuu celiyo  gaariga oo si xowli ah ku socday, taasoo keentay inuu ku tagay gaariga kale.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waayihii dambe noqotay mid ay kusoo kordhayeen shilalka gaadiidka ee khasaaraha badan geysta, iyadoo shilalkan intooda badan loo aaneeyo gaadiidka oo si xowli ah ku socda iyo darawllada oo aan khibrad badan lahayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya