4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u digay dad uu ugu yeeray Qas-wadayaal

Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa uga digay dad uu sheegay inay yihiin qas-wadayaal isticmaalaya warbaahinta si ay cabsi u geliyaan shacabka Soomaaliyeed isla markaanka u tilmaan ammaan-darro inay jirto.

C/weli Sheekh ayaa sheegay in shaqsiyaadkaasa ay warbaahinta qaarkeed ay ka buun-buuniyaan weerarrada ay kooxda Al-shabaab kusoo qaadayeen magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay.

Ra'iisul wasaaraha ayaa wacad ku maray in tallaabo laga qaadayo kuwa uu ku tilmaamay qaswadayaal adeegsanaya warbaahinta maxaliga ah, isagoo ku sheegay hadalkiisa in dowladdu aysan u dulqaadan doonin mar dambe kuwa bulshada ku abuuraya cabsida.

"Waxaan rabaa inaan u diro digniin toos ah shakhsiyaad caaadeystay inay ku abuuraan bulshada dhexdeeda cabsi iyo wel-welka; iyagoo isticmaalaya war-baahinta maxaliga ah. Umana dulqaadan doono shaqsiyaadkaas," ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: "Haddii shaqsiyaadkaas ay joojin waayaan dhaqammadaas, waxay ka dhaxli doonaan cawaaqib fool xun oo aysan kasoo waaqsan.”

Dhinaca kale, ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay howsha warbaahinta madax-bannaan ay qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin baahinta wararka ku saabsan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo xusay inay warbaahinta xorta ah muhiim u tahay sida bulsho Soomaaliya oo kale ah.

Hadalkan digniinta ah ee kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia ay ka hadlayeen maalmahan weerarrada is-daba-joogga ah ee Al-shabaab ay ka geysanaysay Muqdisiho tan iyo markii ay billaabatay bisha Ramadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya