4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo lagu qabtay Xadka Austria iyo Talyaaniga

Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Ciidanka illaalada xuduuudaha Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay gaari xamuul oo ay saaranaayeen 21-ruux oo muhiijiriin ah ,kuwaasi oo doonayay in ay ka gudbaan xadka u dhaxeeya labada dal ee Austria iyo Talyaaniga.

Sarkaal ka tirsan ilaalada Talyaaniga oo lagu magacaabo Tarvisio ayaa sheegay in dadkan la qabtay  xilli ay isku daya-yeen sidii ay  ku soo gali lahaayeen Talyaaniga ,waxaana la socday gaari kale sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Waxaa dadka saarnaa gaariga lagu qariyay qaybta danbe ee boostakanaada loo yaqaan, iyaga oo isugu jiray muhiijiriin ka soo kala jeeda wadamada kala ah; Soomaaliya, Suuriya, Itoobiya iyo waliba Eriteriya, waxaana ku socda baaritaanno ay wadaan laamaha amniga ee dalkaas.

Sida ay sheegayaan ilo ku sugan Talyaaniga waxaa muhaajirinitan dib u soo celiyay dowladda Asutria ,iyada oo dadka  la qabtay ay  ku jireen afar ruux oo u dhalatay wadanka Hungary ,waxaana  loo wareejiyay xabsi ku yaalla Udine oo ka tirsan Italy.

Ciidamada ilaalada xuduudaha Talyaaniga ayaa laba jibbaaray baryihiila soo dhaafay roon-dooyinka ay kaga hortagayaan arimo lagu sheegay inay sharci darro yihiin  ,waxaana jirta tiro intaa ka badan oo waqtiyo kala duwan la qabtay.

Ugu danbaynti bartimihii bishii la soo dhaafay ciidamad France ayaa qabtay Bas ay la socdeen shan ruux oo muhaajiriin ah , oo doonayay inay iska dhiibaan dalkaas ,waxaana  ay dib ugu soo celiyeen  Talyaaniga oo markii hore ay ka tageen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]