4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Dad Masaakiin ah oo Afur laga siiyo Masaajidka Weyn ee Degmada Baydhabo


Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Masaajidka weyn ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa afur laga siiyaa maalin walba dad ku dhow 1,000 qof oo ka mid ah shacabka ku nool degmada, iyadoo howshan ay tahay mid loogu talo-galay in lagu afuriyo dadka aan afurka heli karin.

Ramadaan walba ayaa waxaa dadka aan awoodda u lahayn inay helaan wax ay ku afuraan waxaa laga siiyaa masaajid jaamaca ah ee Baydhabo raashin afur ah, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya afurinta dadkan masaakiinta ah ay soo dhiibaan dad reer Baydhabo ah oo ku nool dibadaha dalka.

Dadka dhaqaalahan ku taageera ayaa horay u dayactiray dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ee ku yaalla Baydhabo, waxayna leeyihiin Naadi la yiraahdo Naadiga Beesaniyiinta Baydhabo(NBB).

Howshan waxaa xiriiriye ka ah, Dr. Aweys Cabdi Jiidle oo ku nool Australia, iyadoo ay HOL masaajidka kula kulantay mid ka mid ah dadka afurka laga siiyo galab walba, kaasoo lagu magacaabo, Sheekh Cabdullaahi Xasan ayaa wuxuu aad ugu duceeyay dadka muxsiniinta ah ee bil kasta oo Ramadaan ah u gargaara dadka reer Baydhabo, kuwaasoo u duuban inay wax u qabtaan bulshadooda baahan.

Masaakiinta afurka laga siiyo maalin walba masaajidka Jaamaca ah ee degmada Baydhabo ayaa waxay isugu jiraan rag iyo dumar, kuwaasoo ay ka mid yihiin dad waayeello ah iyo weliba dhallinyaro qaarkood ka xoogsada qodidda godadka qashinka lagu shubto.



Hiiraan Online, Baydhabo