4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Natiijada Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada Sare ee Puntland oo la shaaciyey
Isniin, July 07, 2014 (HOL) — Waxaa maanta la shaaciyey natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee sannad-dugsiyeedkii 2013/2014 laga qaaday ardayda ka baxday dugsiyada sare ee deegaannada Puntland.

Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee magaalada Garoowe oo ay mas'uuliyiin badan oo dowladda ka tirsani kasoo qayb galeen, ayaa natiijada imtixaanka lagu shaaciyey.

Ku-simaha agaasimaha guud ee wasaaradda ahna agaasimaha xafiiska imtixaanaadka Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Saahid) ayaa ugu horreyn ka warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee diyaarinta, qaadista, sixidda iyo soo gudbinta natiijada imtixaanku ay soo martay.

Wuxuu sidoo kale soo bandhigay tirada ardayda imtixaanka u fariistay, inta wiilasha ah iyo inta gabdhaha ah; ardayda gudubtay, ardayda dhacday, sida ay ardaydu u kala darajooyin sarreeyaan iyo weliba iskuullada kaalimaha hore galay.


10KA ARDAY EE UGU DARAJADA SARREYSA:
  1. C/xakiim Saalax Caynab Faarax| Dugsiga Sheekh Cismaan, Qardho | 97%
  2. Maxamed C/risaaq Xasan Xuseen | Dugsiga Gambool, Garoowe | 92.86%
  3. Caasho Bashiir C/qani Cismaan | Dugsiga Sheekh Cismaan, Qardho | 92.64%
  4. Maxamed Siciid Maxamed Muuse | Dugsiga Al-furqaan Baran |90.79%
  5. Maxamed C/salaan Cabdulle Xasan |  Dugsiga Gambool, Garoowe| 90.64%
  6. C/xakiim Maxamed Jaamac Ileeye | Dugsiga Cumar Samatar, Gaalkacayo | 90.64%
  7. C/xakiim Maxamed Xuseen Jaamac |Dugsiga Cumar Samatar, Gaalkacayo | 89.21%
  8. Maxamed Maxamuud Yuusuf Maxamuud | Dugsiga Al-waaxa, Garoowe | 89.14%
  9. Aadan Muuse Maxamuud Guuleed | Dugsiga Imamu Nawi| 89.14%
  10. Maxamed Axmed Maxamed Jaamac | Dugsiga Al-furqaan Baran | 88.64%

ISKUULLADA AY ARDAYDOODU HELEEN TIRADA "A" EE UGU BADAN:
  1. Dugsiga helay tirada darajooyinka A ee ugu badan waa Cumar Samatar. 427 oo ardayda dugsigaas kamid ah oo imtixaankii shahaadiga ahaa galay ayaa waxaa darajada A keenay 74 arday oo u dhiganta 17.5%.
  2. Dugsiga Gambool ayaa ku xiga oo helay 44 A, ardayda imtixaankii shahaadiga ahaa u gashayna waxay ahaayeen 331.
  3. Dugsiga Sare ee Boosaaso 38 arday ayaa helay darajada A, ardaydiisuna waxay ahaayeen 208.
  4. Imaamu Nawaawi 36 arday ayaa A helay, tirada ardayda imtixaanka u gashay waxay ahayd 143 arday.
  5. Imaamu Shaafici 131 arday ayaa imtixaanka u gashay 31 arday ayaa A keentay.
  6. Sheekh Cismaan Qardho, 25 ayaa A keenay 93 ayayna tirada ardaydiisu ahayd.
  7. Muntada Al-islaami waxaa imtixaanka u galay 62 arday 18 ayaana keenay darajada A.
  8. Al-waaxa Garoowe 103 arday ayaa imtixaanka galay 18 ayaana keenay derjada A.
  9. Sheekh Xamdaan oo 74 araday ay imtixaanka galeen waxaa A keenay 14 arday.
  10. Al-najaax 93 arday ayaa galay imtixaanka 13 ayaa A keentay.


10KA ISKUUL EE UGU SARREEYA QIIMEYNTA WASAARADDA:
  1. Muntada Al-slaami 60.8% /B-/ 62 arday.
  2. Sheekh Cismaan 59.6%/ C+/ 93 arday.
  3. Al-furqaan 59%/ C+/38 arday.
  4. Imaashu Shaafici Boosaaso 58.5/ C+/131 arday.
  5. Al-waaxa 58.34%/ C+/ 103 arday.
  6. Imaamu Nawawi57.3% /C+/ 143 arday.
  7. Cumar Samatar 56%/ C+/427 arday.
  8. Bacaadweyn 55.7%/C+/ 15 arday.
  9. Buraan 55%/ C/ 11 arday.
  10. Sheekh Xamdaan 54/ C/ 74 arday.

ARDAYDA IYO SIDA AY U KALA DAROOJIN SARREEYAAN:

  • Grade A waxaa helay 309 wiil iyo 63 gabdhood. 372 ayaa helay A oo u dhiganta 14.8%.
  • Grade B waxaa helay 720 arday oo u dhiganta 28.5%
  • Grade C waxaa helay 959 arday oo u dhiganta 38%.
  • Garade D waxaa helay 400 oo arday oo u dhiganta 16%.


ARDAYDA IMTIXAANKA GALAY/ KUWA GUDBEY IYO KUWA DHACAY:

  • Wadarta guud ee ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanka dusiyadaa sare waa 2560.
  • Wiilal waxaa ahaa 1841, gabdhahana waxaa ahaa 719.
  • Wiilasha waxaa ka dhacay 33 arday, gabdhahana waxaa ka dhacay 27 arday.
  • Wadarta guud ee ardayda baastay waa 2458 oo u dhiganta 97%.
  • Wadarta guud ee ardayda dhacday waa 60 arday oo u dhiganta 2.4%.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya