4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2014
Taliska Booliska Nugaal oo ka warbixiyey rasaas xalay Garoowe laga maqlay

Isniin, July 07, 2014 (HOL) —Taliska booliska ee gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyey rasaas saqdii dhexe ee xalay laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland iyo weliba dhallinyaro tobannaan gaaraya oo ay ciidamada boolisku qabteen.

G/dhexe C/raxmaan Xaaji Abshir oo ah taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garoowe war-baahinta shir-jaraa'id ugu qabtay, wuxuuna sheegay in dhib weyni aysan jirin balse saqdii dhexe ee xalay ay ciidamadu kala eryeen kooxo dhallinyaro ah oo xaafad xaafad u dagaallamay.

Taas isagoo ka hadlayey wuxuu yiri: "Magaalada wax siyaado ahi kama jirin...waad ogtihiin mar haddii Ramadaanka la gaaro waxaa bata soo-jeedka dhallinyarada...marka qolyo dhallinyaro ah ayaa isku diriray meesha Meeraysane la yiraahdo iyo Far-janno, markii dambena ciidamadaa kala dhex galay oo kala eryey..."

Taliyuhu wuxuu sidoo kale digniin culus u diray dadka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan xilliga maalinta kariya cuntada xaaraanta, isagoo ku gooddiyey in ciddii lagu helo arrintaas ciqaab adag la marsiin doono.

"Dadka caadaystay in maalmaha Ramadaanka ee barakaysan ay  xaaraanta kariyaan oo iyaguna afuraan dadkana afuriyaan waan la dagaalamaynaa gacan bir ah ayaana lagu soo qaban doonaa mana oggolaan doonno in Garoowe xaaraan lagu kariyo..." Taliyaha ayaa sidaas yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu taliyaha booliska ee gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir Faarax sheegay in ammaanka magaalada Garoowe iyo guud ahaan kan deegaanada Puntland uu xilligan yahay mid aad u wanaagsan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya